headerphoto

Jaaliyadda GalMudug dalka Filand oo dhismaha masharuuc dugsi Sare oo ku yaal Magaalada Gaalkacyo ugu deeqday lacag dhan $ 2000 oo doolarka Maraykanka ah.

Anigoo ah Mohamed Ali Aden,kana tirsan ururka Himilo International Civic Development Agency waxaan ilaah ka sakow u mahad celinayaa dhammaan jalliyadda dibadda iyo kuwa waddanka gudihiisa joogo sida hagar la aanta ah oo ay noo kaalmeeyeen si aan u dhisno dugsgaan sare ee Shacab. Ilaahay kulligiin ajir ha idinka siiyo

Dugsigaan oo lagu macaabo dugsiga Sare Shacab ayaa Munaasabadda arrintaan la xariirta oo saaka ka dhacay xarunta Dhismaha Mashruucaasi ee Magaalada gaalkacyo waxaa Mursal Xaashi Shirwac oo jaaliyaddaasi deeqdaasi lacageed gudbinteeda soo wakiilatay uu ku wareejiyay Daahir Macallin Yuusuf.Cabdullaahi Axmad faarax iyo Qaasin Xasan diini oo ka tirsan Guddiga dacwada iyo waxbarashada deegaankaan gacantana ku hayaan dhismaha Mashruuca dugsiga Sare ee Al – Shacab ee Magaalada Gaalkacyo.

Xubnahaan oo ku soo wareegeen qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha mashruuca Xarunta Dugsiga Sare Al- shacab ayaa hadallo ay isdhaafsadeen waxaa ay mahad celin iyo ammaan u jeediyeen kaalinta ay Jaaliyadda GalMudug ee dalka filand ka qaadato howlaha kala duwan ee deegaankaasi lagu horumarinayo iyo sida dhismaha iskuulkaasi oo ka kooban 2 dabaq una sii kala baxa 12 fasal looguna talo galay in ay wax ku bartaan arday dhan 600 uu door lama iloobaan ah ugaga qaadanayo sii ballaarinta howlaha waxbaarashada qaybaheeda kala duwan

Mursal Xaashi Shirwac oo gudbinta deeqdaasi lacageed uu ku wehliyay Cabdirisaaq Macallin Xasan balsi aan goobtaasi joogin ayaa hadal uu munaasabaddaasi ka jeediyay waxaa uu sheegay in ay jiraan mashaariic badan dhinacyada horumarinta bulshada