headerphoto

wararka

Shaqaale u dhashay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Jolanda Occhipinti iyo Giuliano Paganini oo tan iyo bishii Mai 2008 u afduubnaa dabley Soomaali ah ayaa lasii daayey Shalay Galabnimadii Talaadada, iyadoo weli Burcadaasi ay u xiran yihiin shaqaale Soomaali ah.

Sii deynta labadan qof, oo u shaqeynayey hey’ad Talyaani ah oo Samafal ah, laguna magacaabo CINS, waxaa xaqiijiyey wiil ay dhashay Jolanda, isagoo sheegay inuu hooyadiis kula hadlay taleefonka, muddo yar kaddib markii lasii daayey.

Labadan qof ayay dabley hubeysani ka afduubeen degmada Aw-Dheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, 21-kii bishii Mai 2008.

Lama hubo in lacag madax furasho ah la siiyey dableyda afduubka geysatay, sida wararka qaar ay sheegayaan, hase yeeshee dowladda Talyaaniga ayaa beenisay arinkaas.

Labadan dhibbane ayaa maanta loo duuliyey Kenya, iyagoo usii kicitimi doona dalkoodii Talyaaniga. Waxaan weli lasii deyn Sarkaal Soomaali ah, oo la yiraahdo Cabdiraxman Yusuf Caraale, oo u shaqeynayey isla hey’adda CINS, Sarkaalkaas ayaa lala afduubay labada Talyaaniga ah.

Ehelladiisa ayaa sheegay inuu Mr. Cabdiraxman Yusuf Caraale xanuunsanaa waayadii dambe.

Sidoo kale Shaqaale kale oo Ajnabo ah oo laheysto:-

Marka laga soo tago labada qof ee maanta lasii daayey, waxaan wali laga warheyn halka lagu heysto laba qof oo Ajnabi ah, oo u kala dhashay Ingiriiska iyo Kenya, oo dabley hubeysani ay kal hore ka afduubteen gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale, waxaan laga warheyn halka lagu hayo lix shaqaale Soomaaliyeed oo iyana lagu heysto gudaha Soomaaliya.