wararka
Agaasimihii xerada Dhalinta Kacaanka Lafoole oo la toogtay.
(Muqdisho, Arbaco,6, August 2008,Hornafrik Media) Kooxo dabley ah oo ku hubeysnaa hub gacmeedka loo yaqaano bastooladaha ayaa goor dhaweyd dil u geystay Alle ha u naxariistee C/qaadir Yuusuf Kaariye oo ku magac dheeraa (C/qaadir Owliyo) xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaala afaafka hore ee xerada Dhalinta Kacaanka Lafoole ee gobolkaasi Sh/hoose.
Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyay Shirkadda Warbaahinta HornAfrik dilka Mr Owliyo, waxa ayna intaasi sii raaciyeen in kooxaha dilka geystay ay ku dhawaad lix xabo ay madaxa kala eegteen marxuumkaasi.
Gacan ku dhiiglayaashaasi dilka geystay ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen halkii ay ku toogteen mas’uulkaasi madaniga ahaa ee reer Lafoole oo idil ay caawo ka murugoonayaan dilkiisa.
Ilaa iyo iminka lama oga sababaha rasmiyan ka dambeeya falkaasi foosha xun ee lagu qaarajiyay Alle ha u naxariistee C/qaadir Yuusuf, balse mudooyinkaani dambe waxaa soo kordhayay dilalka bareerkaa ee lala beegsanayo dadka waxtarka u ah bulsho weynta gaar ahaan kuwa waqti xaadirkaan ku howlan dadaalada lagu quudinayo kumaankunka qoys ee ku salkacay xasaradaha siyaasadeed ee ka aloolsan gudaha Somalia.
Wixii war ah oo ku soo kordha kala soco wararkayaga dambe.


