headerphoto

Jaaliyadda Gal-Muddug ee magaalada London, ayaa maanta mashruuca waxbarashada Al-Shacab ee Gaalkacyo ugu deeqday lacag dhan 2,250 labo kun .labo boqol iyo konton doolarka Maraykanka ah.

Anigoo ah Mohamed Ali Aden,kana tirsan ururka Himilo International Civic Development Agency iyo guddiga dugsiga iyo dhismaha Shacac ee Canada(kanada) waxaan ilaah ka sakow u mahad celinayaa dhammaan jalliyadda dibadda iyo kuwa waddanka gudihiisa joogo sida hagar la aanta ah oo ay noo kaalmeeyeen si aan u dhisno dugsgaan sare ee Shacab. Ilaahay kulligiin ajir ha idinka siiyo


DEEQ LA CAGEED 12 Jan.2009

Deeqdaan oo uu wareejinteeda jaaliyadda London uga wakiil ahaa Cumar Xuseen Xaaji Axmad Liibaan “Cumar Marooko” oo ah gudddoomiyaha Jaaliyaddaasi ee taakulaynta dhismaha mashruucaasi ayaa lagu wareejayay madaxa mashruuca dhismahaasi Maxamed Cabdi Axmed iyo Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Al-Shacab Maxamuud Aadam Cabdulle, iyadoo uu goob joog ka ahaa Maxamuud Yuusuf Xaashi, “Bowdo” oo ka tirsan jaaliyadda UK ee GalMudug.

Laga billaabo midigta :- Mahamed Abdi Ahmed, Mahamud Adam Abdulle , Mahamud Yusuf hashi, “Bowdo”, omar Hussen Haji Ahmed Liban “Omar Maroko.


Madaxa mashruuca dhismahaasi Maxamed Cabdi Axmed iyo Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Al-Shacab Maxamuud Aadam Cabdulle , iyadoo uu goob joog ka ahaa Maxamuud Yuusuf Xaashi, “Bowdo” oo ka tirsan jaaliyadda UK ee GalMudug. Deeqdaan ayaa ku biiraysa 26,640 labaatan iyo lix kun lix boqol iyo afartan doolar oo ay sannadkii 2008dii Jaaliyadaha GalMudug ee Londan iyo Bermingham ugu deeqeen dhismaha Mashruucaasi iyadoo ay dhiman tahay lacag dhan 1,700 kun iyo todobo boqol doolar oo ay horay u ballanqaaday jaaliyaddaasi Bermingham, halka jaaliyadda London ay ku dhiman tahay 1,750 kun todobo boqol iyo konton doolar oo ballan qaadkoodii ka dhiman.

Deeq lacageed wareejintaan maanta oo ka dhacday xarunta mashruucaasi ee Magaalada Gaalkacyo oo uu hadal ka jeediyay munaasabaddeeda Wakiilka Mashruucaasi Jaaliyadda GalMudug ee Dalka Ingiriiska Cumar Xuseen Xaaji Axmad Liibaan “Cumar Marooko” ayaa farxad ka muujiyay heerka gabo gabada wajiga koowaad ee mashruucaasi oo ka kooban labo dabaq iyo dhul ballaaran oo uu ku fadhiyo dhismahaasi uuna ka mid yahay masaajid wayn oo loogu talo galay in salaadaha lagu tukado isagoo sheegay wakiilku in uu wax wayn uu ku kordhinayo mashruucaasi heerarka waxbarasho ee deegaankaasi, Kana codsaday Jaaliyadaha Mudug ee dalalka Maraykanka iyo Yurubta kalaba in ay doorkooda ka qaataan howlaha kala duwan ee lagu horumarinayo deegaannada Galmudug gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

Waa dhismaha Masjidka Dugsiga Shacab ee gakacyo.