Jaaliyadda Kanada & Mareykanka oo $20,000 oo dollar ugu Deeqay Agoonta iyo Danyarta Soomaaliyeed
Waxaa maalintii Axadda ee June 19, 2011 misaajidka IMO, lagu qabtay muxaadaro loogu aruurinayay deeq loogu talagalay in lagu gargaaro mashaariicda ay HIMILO ka wado dalka oo ay ka mid yihiin:
1. Xanaanada iyo waxbarashada 260 agoon oo isugu jira wiilal iyo gabdho
2. Ardada danyarta oo laga bixiyo kharashka waxbarashada
3. Deeq waxbarasho oo loo fidiyo qaar ka mida ardada dhigato Jaamacadda Galkayo(GU)
4. Afurinta danyarta bisha barakaysan ee Ramadaanka
Kulankaasi oo ay soo qabanqaabiyeen hawlwadeenada iyo taageerayaasha labada urur ee Himilo International civic Development Agency iyo Human Concern International waxaana ka soo qayb galay dad gaarayo ilaa 200, waxaana lagu aruuriyay lacag dhan 13,500.00 waxaa sidoo kale tabarucaas qayb ka qaatay magaalooyin kale oo ku yaal waqooyiga America taasoo gaarsiisay tabarucii $20.000.00.
Waxaa halkaa lagu dhagaystay warbixino horay looga soo duubay maamulaha agoonta Abdulkadir Moallin Mohamud (Cadnaan) iyo maamulaha dugsiga Al-shacab Mohamud Nur, wiil iyo gabar ku hadlaayey magaca agoonta iyo hooyo dhashay arday agoon ah oo ku jira xirada agoonta ee Xamar. Waxay dadka ka codsadeen in ay u soo dadaalaan agoonta iyo danyarta, waxayna mahad u soo jeediyeen dadka walaalahood ah oo isu taagay gargaarkooda.
Waxaa ka dib warbixin gaaban oo ku saabsan wixii ururkaasi u qabsoomay soo jeediyey gudoomiyaha HIMILO Mohamed Ali Aden. Waxaa kaloo meesha ka hadlay Dr.Abdullahi Elmi oo xusay geeridii naxdinta lahayd ee marxuum Abdishakuur Sheikh Hassan, waxaana halkaasi lagu daawaday sawiradii marxuumka mar uu soo booqday dugsiga Al-shacab iyo isbitaalka Galkacyo.
Waxaa halkaa muxaadaro ka soo jeediyey Mamulaha masjidka Bukhaari Sheikh Ahmed Qalaafe iyo Sheikh Saciid Raage oo ah imaamka masjidka Abuu Hurayra ee magaalada Toronto. Waxayna dadweynaha ku dhiira geliyeen in ay waxtaraan agoonta, taasina ajarkeeda ay heli doonaan.
Waxaa kaloo kulankaasi ka soo qaybgashay Kristy Duncan oo xubin ka ah Baarlamaanka Canada, hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeedisay waxay Kristy amaantay hawlwadeenada HIMILO oo shaqo bani-aadnimo ah ka wada Soomaalya.
Shirka waxaa si hufan u daadihinayay Sheikh Abdullahi Shire Ali oo ah hawlwadeen firfircoon ee ka tirsan HIMILO. Hassan Kaarshe oo isagana ka tirsan guddiga HIMILO ayaa soo dhoweynayey ka soo qaybgalayaashii kulankaasi. Waxaa kaloo qayb libaax ah ka qaatay abaabulka iyo diyaargaraynta kulankaasi haweenka Toronto oo shaqadii ugu badnayd qabtay, deeqdii ugu tirada badnayd bixiyey.
Himilo Board and Kirsty Duncan - MP for Etobicoke North
Kirsty Duncan- MP for Etobicoke North





