Hayadda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo deeq lacageed siisay agoonta Somalia
Hayadda Humanitarian African Relief Organization(HARO) ayaa waxay ugu deeqday lacag caddaan oh oo gaaraysa $1000.- hayadda maxalligaa ee la yiraahdo Immamu Nabawi Welfare Society taa soo ilaa saddex boqol oo agoon ah ku kala haysa ceelasha biyaha iyo gobollada dhexe.Maamulaha hayaddaas Abdulkadir M. Nur (cadnaan) ayaa wuxuu u mahad celiyay maamulaha hayadda HARO Shikh Ali Cabdi nur wuxuuna uga mahad celiyay kaalmadaas uu soo gaarsiiyay, waxuuna sidoo kale ugu baaqag hayadaha ka dhisan waddanka dibaddiisa in ay ku dhiira galinayaa in ay kaalmo u fidiyaa hayaddeena, maadaama aan hayso ilmo agoon ah oo badankood aan haysan wax kafaalo ah, waxaad ogtihiin diinteena wanaaga ay u ballan qaaday qofkii kaalmeeya qof agoon ah idinkoo nagala soo xiriiri karo email-ka cadnaan025@hotmail.com ama telefonka no.2521-5535550
Humanitarian African Relief Organization (HARO) waxay kaalmo aan kala go laheen sii saa barakacayaash meel kasto oo ay Somalia ka joogaa, waxaa kaloo ay kaalmeysa dadka ku dhibaateysan waddanka dibaddiisa sida Yeman oo kale.
Waxaa lagu baraarujinayaa ummadda Somaliyeed ee dibadda ku nool in ay kaal meeyaan hayaddaas si ay ayaduna u kaalmayso dadka ku tabaalaysan waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa.
Ilmaha agoonta Gaalkacyo
Gabdhaha Agoonta Gaalkacyo
Ilmaha agoonta Ceelasha Biyaha


