Mahadcelin iyo guubaabo
Anigoo ku hadlaayo magaca hawlwadeenada Himilo, waxaan halkaan mahadnaq wayn uga soo jeedinayaa qaar ka mid ah gabdhaha degan magaalada Edmonton oo go'aansaday in ay qayb ka qaataan daryeelka agoonta. Waxaa sidoo kale gabdhaha u mahadcelinayo maamulaha agoota imamu nabawi abdulkadir Moallin Mohamud (cadnan) wuxuu sidoo kale u mahad celinayaa dhammaan dadka daryeelo agoonta, khaasatan gabdhaha is abaabulay ee dunida dacaladeeda kala joogo.

Maamulaha agoonta Abdulqadir ADNAN
Gabdhaha reer Edmonton oo tiradooda aan badnayn, shirkii ay qabsadeen waxay isku raaceen in ay si joogta ah u bixiyaan kharashka 15 agoon. Waxaa kaloo jira agoon aad u fara badan oo u baahan in aan u gargaarno, waxaan ku guubaabin lahaa inta aan wali ka qayb qaadan khayrkaas in ay ka mid noqdaan kuwa khayrka u istaagay. Sidoo kale waxaan magaalooyinka kale ka codsanayaa in ay iyaguna sidaas oo kale isku abaabulaan, kana qayb qaadataan daryeelka agoonta.
Mujtamac ma hormaro, inta kuwooda Ilaah waxsiiyay aysan daryeeleen, kuwooda tabaaleysan, nabigeenii(csws) wuxuu ahaa agoon, umaddiisana wuxuu ugu jecelyahay kuwa agoonta daryeelo, marka noqo mid u ololeeyo, ama daryeelo agoonta.
Si aad agoon u daryeeshid waxaad u baahantay in aad bixisid $20.00 Haddi dhaqaalahaaga wax iska badalo qasab kuguma aha in aad ballantii wadid. Lacagaha agoonta waxaad ku soo diri kartaa xawaaladaha ado ku soo qoraysid Mohamed Ali Aden 416-885-5997 Toronto Canada ama isticmaal PayPal ka Himilo.
AGOONTA GALKACYO

Xerada agoonta Galkacyo

Agoonta galkacyo oo ciid mubaarag la siinayo
![]() |
![]() |
AGOONTA DULEEDKA HAMAR

Araga agoonta xamar markii la soo xareeyay

Araga agoonta hadda
AGOONTA BANDIIRADLAY

Xerada agoonta Bandiiradlay
![]() |
![]() |






