headerphoto

Dugsiga Al-Shacab oo la guddoonsiiyay Computerro

Waxaa dugsiga Al-Shacab la guddoonsiiyay Computerro laga soo dhiibay magaalada Toronto ayna soodhiibeen ururka Himilo Internation Civig Divelobmenty Agency iyo HCI, Computerradaas waxay wax wayn wax ka tari doonaan waxbaridda ilmaha dugsiga dhigto, xafladdii lagu guddoonsiinayay dugsiga computaradaas waxaa sidoo kale lagu doortay guddiga waalidiinta ee dugsiga.

Warbixintii maamulaha dugsiga Al-Shacab uu ka jeediyay xafladdaas waxay u dhacda sidaan:

Ka dib markii aqoonyahan u dhashay Galmudug State ay arkeen baahida loo qabo waxbarashada qaasatan dugsiyada sare, ayna fadhiyo faro badan ka yeesheen arinkaas ayaa waxaa suurto gal noqotay in bishii Juun 15 keedii sannadkii 2007, laga furay dugsigan magaalada Gaalkacyo. Isla bishaas 16 keedii ayaa la dhagax dhigay dhismaha Dugsiga Alshacab. Qof aan xilligaas goobjoog ahayn looma sawiri karo farxaddii ay ku billaabatay waxbarashada iyo dhagaxdhigga oo is barbar socday.

Waxbarasho sannadeedkii koowaad ee Alshacab 2007-2008 markii uu dhammaaday ardayda dugsigu waxay ahayd 337, waxaana markaas dugsiga maamulayey maamulihii koowaad ee Alshacab Alle ha u naxariistee Axmed Aadam Cabdulle, oo markii dugsiga la xiray shaqo u tagay Muqdisho isagoo howshii dugsiga kudhexjirana geeriyooday. Allaah mahadiis, July 1deedii 2008, markale sannad dugsiyeedkii labaad ee Alshacab ayaa furmay, si dardar leh ayay waxbarashadu ku billaabatay, inkasta oo ay jirtay in laga murugaysnaa dhimashadii maamulihii dugsiga.

Waxbarashada aasaasiga ah marka laga tago waxaa jirtay tan dadka waaweyn oo iyana billaabatay isla sannadkii dugsiga la furay ee 2007, laakiin waxay ardayda waaweyni aad usoo bateen sannad dugsiyeedkii 2008-2009. Sannad dugsiyeedkaas, bishii August, ardayda oo aad u badatay dhismuhuna ku yaraaday awgeed ayaan dhisme kale ijaarnay, si fasalada loogu kala jabsho. Arintan inkasta oo xagga fasalada ay naga caawisay haddana waxaa jiray dhibaato garab socotay oo ay dhashay, waxayna ahayd in macalimiinta iyo maamulkuba ay lugaynayeen masaafo wax u dhimaysa habsocodka xisaska. Sidaas darteed ayaa xubno ka mid ah guddiga waxbarashada ee dugsiga Alshacab iyo maamulkuba u guntadeen sidii dhismaha dugsiga oo markaas qabyo ahaa looga dhigi lahaa mid ardaydu wax ku baran karaan. Waxaa lacag iyo shamiito laga aruuriyey dadka dagan magaalada isla sannad dugsiyeedkaasna waa lagu soo guuray.

Markii sannad dugsiyeedkii 2008-2009 dhammaaday waxay ardayda dugsigu guud ahaan nidaami iyo dadka waaweyn isku gaareen 516 arday. Labadii sannad dugsiyeed ee ugu horeeyey macalimiinta iyo maamulka Alshacab waxay shaqayn jireen Subax, galab, fiiid iyo waliba khamiis iyo jimce. Haddaba


Hussein Dhabc - Member of Himilo Toronto

Markii la tixgaliyey macalin saddex galin shaqaynaya in aanu cashar diyaaris ka gaarin,

Markii la eegay in waxbarashada nidaamiga ahi nusqaami karto ayaa la joojiyey waxbarashada dadka waaweyn, marka laga reebo fasal dugsi sare ah oo sannadkaan Alle idankiis la filaayo in ay dhammaystirtaan waxbarashada dugsiga sare.

Sannadkii lasoo dhaafay 2009-2010 wuxuu ahaa sannad farxad iyo qiimo weyn u lahaa aas aasayaasha iyo macalimiinta sababtoo ah waxaa sannadkaas dhammeystirtay waxbarashada dugsiga sare racii koowaad ee dugsiga sare ka qilin jabiyey madarasada Alshacab kuwaas oo tiradoodu gaaraysay 11 arday. Ardaydaas magacyadoodu waxay kala ahaayeen:
1.Anas Cabdiraxmaan Xaashi
2.Ayuub Cabdiraxmaan Xaashi
3.Xasan Cusmaan Maxamed
4.Xasan Maxamed Xuseen
5.Libaan Saciid Axmed
6.Abdiqani Cabdulle Faarax
7.Shukri Maxamed Nuur
8.Maryama Cabdinuur Axmed
9.Axmed Macalin Xuseen Maxamed
10.Hodan Cabdulle Faarax iyo
11.Naciimo Cali Xuseen
Waxaa farxad gooni ah in 11 arday ee qali jabiyay ka la bar ku dhawaad ay gabdho yihiin.

Ahdaafta Alshacab maaha in uu soo saaro arday aad u fara badan sannadkiiba, hadafku waa arday tayo diineed iyo akhlaakhba ka dhisan, una gudbi kara heer jaamacadeed. Arintaasina waa ka muuqataa raca koowaad ee badankoodu galay jaamacadda Gaalkacyo, sannad dugsiyeedkan lagu jiro waxaan rajaynaynaa in arday ka badan tii sannadkii hore tayana leh ay ka dhameystirato waxbarashada dugsiga Sare.

Inkasta oo waxbarasho kasocoto Alshacab , oo maamul, macalimiin iyo ardayba dadaalayaan haddana tas-hiilaadkii loo baahnaa waxbaa dhimman, kuwa aan isleenahay bulshada reer Gaalkacyood waa ka bixi karaan waxaa ka mid ah:

Dhammeystirka dabaqa saddexaad ee dugsiga oo loogu talo galay Hall-ka dugsiga, Qolka Maktabadda (library) iyo qol computerada ardayda lagu baro, Cag-dhigga dugsiga, Salaaxa darbiyada dugsiga iwm

Waxaan u mahad celineynaa dhamaan asaasayaasha Jamciyadda Himilo oo markii ugu horreysay lagu asaasay magaalada Muqdisho, waxaana ka xusi karnaa shakhsiyaadkan:Cali Xaaji Bashiir Nuur, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar iyo Sh. C/wali Muuse Lugeey, waxaa kale oo aan u mahad celineynaa Guddoomiyaha Himilo Kanada, Maxamed Cali Farax iyo garbihiisa C/laahi Shire Cagey, Xassan Kaarshe, Abdullahi H.Elmi, Ali bashir iyo Mahamud galbayte ku waasoo ahaa raggii Kanada dhidibada ugu aasay Jamciyada Himilo, taaba geliyeyna dhismaha dugsiga Shacab iyaga oo ahaa isku xirayaashii mashruucan ee galbeedka Yurub iyo woqooyiga Ameerika. Sidoo kale waxaan u mahad celineynaa Jamciyadda Imamu Nawawi oo dhulka dhismahani ku fadhiyo iibisay sanadkii 1997-dii xilligaasna ugu tala gashay waxa maanta lagu hayo


Mamulihii hore ee Dugsiga Al-Shacab

Waxaa kale oo aan u mahad celineynaa Webside-yada, ganacsatada iyo dadweynaha reer Gaalkacyo kaalintii ay ka geysteen dhameystirka dhismaha dugsigan, kuwaas oo lahaa kharashyadkii lagu dhameystiray iyaga oo aan u kala harin.


Guddoomiyihii deg. Hobyo haddana ah madax. Galmudug State Mr. Calin

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa guddiga waxbarashada Alshacab iyo macalimiintaba doorka wax ku ool ka ah ee ay ka qaataan habsami u socodka waxbarashada dugsiga.

Ugu dambeyn waxaan halkan ugu mahad celineynaa masuuliyiintii dhagax dhigtay dugsigan oo kala ahaa: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Coll. Maxamed Axmed Caalin oo xilligaas ahaa Guddoomiyaha gobolka Hobyo, Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/samad Nuur Guuleed oo isna xilligaas ahaa Ku simaha Madaxweyne Kimiko iyo Dr C/risaaq Axmed Dalmar oo markaas u jogay magaalada Mashruuc indha fiiqis ah oo samafal ahaa iyo sidoo kale wakiilka Kanada ee Himilo Hassan Karshe.