headerphoto

Xafladda Furitanka Dhismaha Cususb iyo Sanad Dugsiyeedka 2009-2010 ee Dugsiga AL-Shacab ee Galmudug State

Anigoo ah Mohamed Ali Aden kuna hadlayo magaca guddiga Himilo International Civic Development Agency, iyo guddiga dhismaha dugsiga Shacab ee magaalada galkacyo Somalia waxaan u mahad celinayaa dhamman dadka reer Toronto ee kaalmada ka geystay dhismaha dugsigaan, dadka reer Toronto waxay can ku noqdeen ka qayb qaadashada waxyaabaha khayriga ah, annagu haddan Himilo nahay deeqdii aad nasiiseen waxaan ku qabannay waxa aad ku arki karaysaan masawiradaan, iyo idinkoo gala Himilo.ca.

Xafladaani oo aheed mid si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galeen masu’uliyiinta maamulka Galmudug, Jaaliyadaha dibadda, macalimiinta iyo ardayda dugsiga Al-Shacab, waalidiinta, bahda saxaafada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug State.

Xafaladda oo ahayda labo munaasabadood ayaa ugu horayntii waxaa xarigga laga jaray dhismaha dugsiga Al-Shacab oo ay xarigga ka jareen madaxwayna ku xigeenka ururka Himilo iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda debadda oo wada jira. Waxaa xafladda furitaanka ka hadlay Masuuliyiinta ururka Himilo International Civic Development Agency(HICDA) oo ah hayadii dhistay dugsiga Al-Shacab saldhigoodana uu yahay magaalada Toronto ee dalka Canada. Waxaana hawlaha HIMILO ee ku aadan dhismaha dugsiga Al-Shacab kaalin libaaxa ka qaatay Mohamed Ali Aden oo ah madaxa ururka HIMILO, Sheikh Abdullahi Shire oo ah u qaabilsanaha HIMILO dhinaca dugsiga Al-Shacab, Hassan Kaarshe oo ah xoghayaha maaliyadda, Ali Bashir Nur iyo Mohamoud Galbeete.

Dr. C/laahi Xasan Elmi (Jeemis) oo ku hadalayay Magaca Himilo ayaa faah Faahin ka bixiayay qaabkii uu ku bilawday ilaa iyo dhamaystirka dhismaha dugsiga AL-Shacab, waxaa uu soo bandhigay shax kooban oo cadaynaysa shaqsiyadkii iyo ha’adihii ka qayb qaatay dhismaha iyo dhaqaalaha ay bixiyeenba.

Dugsiga Al-Shacab ayaa waxa uu hada yahay dhismo laba dabaq oo ka kooban fasalada ay ardayda wax ku bartaan, waxaana wali dugsiga ka dhiman qeybo Muhiim ah sida xafiiska ay macalimiinta, xafiiska maamulaha iyo dhamaystirka dhismaha dabaqa saddexaad oo loogu talagalay qolka barashada computer-ada iyo maxktabad.

Maamulaha dugsiga AL-Shacab Max’ud Aadan C/lle wuxuu fahfaahin dheer kabixiyay heerka wax barashada ardayda waxa uuna sheegy in ay muhiim tahy in laga hirgaliyo deegaanada Galmudug jaamaacdii ay ardayda ku dhamaysan lahaayen wax barashadooda. Maamulauha waxa uu xusay in haatan ay Al-shacab dhigtaan 567 Arday oo heerar kala duwan ah.

Maamulha Guud ee isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug Dr. Max’d Cabdi Axm’d oo ka mid ahaa gudiga dhismaha dugsiga Al-shacab ayaa u mahad celiyay qaybihii ka qayb qaatay dhismaha daarta AL-shacab ee Galkacyo.

Maamule Dr.Max’d Cabdi waxa uu si gaar ah Mahad Celin ugu jeediyay Shukri Max’ud Wardheere {Shukri Madoobe} oo ka mid ah Ganacsatada Galkacyo Qayb wayna ka qaadatay Dhismaha dugsiga Al-Shacab.

Mas’uuliyiintii kale ee Munaasabadda ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr.Cumar Salaad Elmi, Dr C/qaadir Max’ud Shirwac, Cumar Max’uud Rooble {Suuri} Marwo Sahro C/lle Gorod oo dhamaantood ka tirsan jaaliyadda Galmudug ee Munaasabadda goob jooga ka ahaa. Waxaa sidoo kale isna hadalo Muhiim ah oo dhiiri galin ah jeediyay Gudoomiye Ku xigeenka Hobyo Caaqil C/laahi Yuusuf Guuleed {Digsi}



Dhinaca ardayda waxaa u hadlay C/fitaax Axmed Barre waxa uu u mahd celiyay Himilo, Jaaliyadda Galmudug, Ganacstada Galkacyo Maamuladda dugsiyada wax barashada Galmudug, Maamulka isbitalka Galkacyo ,Shirkadaha Xawaaladaha ee Ka hawl Gala Galmudug iyo dhamaan intii horumar ku soo kordhisay deegaanada Galmudug State.

Intii munaasabaddu socotay Ardayada dugsiga Al-Shacab waxay Soo bandhigeen heeso, riwaayad & bandhig Aqooneed oo aad u xiiso galiyay Dhamaanba Ka qayb galyaasha furitaanka munaasabadda dugsiga AL-SHACAB.