Yanahay
Hal ku dhagga Himilo (Mission Statement)
HIMILO waa hay’ad aan siyaasad shaqo ku lahayn una adeegta in ay yarayso dhibaatooyinka danyarta haysato, lana dagaalanta faqriga iyo gaajada. Waxay himigaasi ku gaaraysaa iyadoo horumarinayso waxbarashada, caafimaadka iyo dhaqaalaha beesha.
Ujeedooyinka Himilo (Objectives)
- In ay yarayso faqriga dalkeena iyadoo siinayso raashin kana gargaaraysa baahida aasaasiga ee dadka dhibaataysan.
- In ay horumariso caafimaadka guud ee dalka iyadoo bulshada la baraayo sida cudurada looga hortago iyo sida loo daaweeyo. Waxaa kaloo la samaynayaa cilmi baaris iyo xog-uruurin ku saabsan isbedelka ku imaanayo caafimaadka bulshhada.
- In kor loo qaado tayada biyaha la cabo, iyadoo la qodayo ceelal lana dhisayo meelo biyaha lagu nadiifiyo, sidoo kalena la hormarinayo waraabka beeraha iyo tubooyinka wasaqda qaada.
- In la hormariyo xirfadaha daaqa, beeraha, tacabka khudaarta iyo dhowrista bay’ada
Hordhac (Background)
Himilo waxaa la asaasay June 10, 2008, waxaana lagu asaasay magaaladda Toronto ee dalka Canada. Himilo waa hay’ad ka diiwaangashan dawlada Federalka ee Canada, una taagan in ay u fidiso gargaar bani’aadanimo dadweynaha dan yarta ah. HIMILO waxay si gaar ah ugu adeegaysaa agoonta, caruurta, dhallinyarada iyo haweenka. HIMILO waxay siinaysaa dhalinta mustaqbal wanaagsan si ay iyagoon qaangaar noqon ugu biirin ciidamada kooxaha.


