Xarumaha agoonta
Mashaariicda hadda socoto waa:
1. Mashruuca agoonta ee duleedka mugadishu ee IBNU CABAS - Riix Halkan
2. Xarunta agoonta IBNU MASCUUD ee Galkacyo - Riix Halka
3. Xarunta agoonta ee bandiiradlay - Riix Halka
Ururka Himilo International Civic Development Agency, waxuu go’aan saday markii aan aragnay in:
1. Ilmo badan ay agoontoomayn dagaalo aan dhamaanayn oo dalka kajio
2. Markay dhaawacmeed waalidiin badan, gabeenna in ay caruurtooda u shaqaystaan
3. Markay dhacday abaaro soo noqnoqday oo qoosas badan xoolahoodi ay faraha ka baxeen saasna ilmahoodii dhib ku soo gaaray
4. Markay qaxeen waalidiin badan ayna lumiyeen goobtii shaqada iyo deegaankoodii, saasna ilmo badan dhib ku soo gaaray
Waxaa uu ururkaan go’aansaday in ay la shaqeeyaan ururka Imaamu Nabawi oo ka hawlgalo gudaha Somalia khaasatan nawaaxiga Banaadir iyo gobollada dhexe, waxayna aruuriyaan agoonta ayagoo:
• U dhisa goobihii ay dagi lahaayeen
• Quudinta agoonta
• Waxbaridda agoonta
Waxaana iska kaashanaynaa:
1. In Advocacy iyo lacag aruurin HICDA u samayso ururka Imamu Nabawi
2. In aan u samayno tababarro
3. In aan ka kaalmayno waxbaridda caruurta
4. In aan raadino cid kafaalo qaado ilmaha agoonta
5. In aan ku xirno hayadaha wax kaalmeeyo
6. In aan soo eegno sannadkiiba mar


