Dhismaha dugsiga sare ee Shacab
Dhismaha dugsigaa waxaa la bilaabay June 2007 waxaana laga dhisayaa magaalada gaalkacyo.Waxaa dhismihiisa iska kaashanaaya jaaliyadaha dibedda gaar ahaan Canada, Maraykanka, Ingiiska, Denmark, Finland iyo ganacsato dalka joogta.Dugsiga waxaa kaloo lagu qabanayaa seminaarada, shirarka,iyo hawlaha kale ee cilmi kororsiga bulshada. Waxaa dhismaha dugsigaan uu u abuuray dad badan goob shaqo, wuxuuna kor u qaaday dhaqaalihii beesha.
Waxaad aragtaan dhamaystirkii shubkii dabaqii labaad
Dugsiga Sare ee Shacab waxaa wax ku baran karaan ilaa iyo 1000 arday oo isugu jira caruur iyo dad waawayn Dugsiga wuxuu ka koobnaan doonaa 12 fasal, gole lagu cunteeyo, maktabad, xafiis iyo qol ay maclimiinta ku kulmaan, marka dhaqaale loo helo waxaa la dhisi doonaa dabaqa saddexaad oo loogu tala galay gole weyn oo ardayda oo dhan ku kulmi karaan. Gudiyada hawsha wada waxay kala joogan Canada iyo Soomaaliya
Guddiga Canada waa kan hawsha oo dhan mas’uulka ka ah, kana shaqeeya sidii lacagaha loo ururin lahaa, loona hawl gelin lahaa guddiga gudaha. Waxaan mar dhow filaynaa in aan kaalkacyo ka furan xafiis ay HIMILO leedahay, shaqaalana loo qoro.
Guddiga Soomaaliya waxaa uu xariiriyaa :
- Guddiga Canada iyo dugsiga shacab
- Guddiga Canada iyo dhismaha dugsiga sare ee shacab
Haddaad rabtid warar dheeraad ah halkaan riix
Fadla kaalmee mashruucan


